Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goorhow gudahada degmadaaas lagu dilay qof Shacab ah halka mid kale lagu dhaawacay.
Falka dilka iyo dhaawaca ah ayaa waxaa geystay Wiil uu dhalay guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka degmada Balcad Axmed Duqow,isla markaana istaaf u ahaa aabihiis,sida ay Radio Dalan u sheegeen dad ku sugan degmadaas.
Dilka ka dib aya lagu soo waramayaa in qofkii dilka geystay uu goobta isaga baxsaday,isla markaana haatan uu socdo howlgal ay wadaan Ciidamada Maamulka degmada Balcad oo ay ku baadi goobayaan Ninka dilka geystay.
Masuuliyiinta kale degmada ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino balse kama jawaabin taleefoonadeena.