War goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in bam gacmeed Caawa lagu weeraray Saldhiga laanta towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in rag hubeysan ay soo qaadeen weerarka,isla markaana goobta si deg deg ah ay uga baxsadeen weerarkaas kadib.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Yaaqshiid ay fureen rasaas xoogan,taasi oo aan weli la ogeyn khasaaraha ay geysatay.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaan Caawa lagu qaaday Saldhiga laanta towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.