Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen,
Sidoo kale digreetada ayaa lagu sheegay in xilkaas uu si KMG ah u sii hayn doono wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.
wasiirka xilka laga qaaday ayaa sidoo kale ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya.