Wargeyska The Times ee ka soo baxa magaalladda London waxa uu maanta qoray inay Ra’isul-wasaarada BritainTheresa May berrito ku dhawaaqi doonto inay ka tegi doonto Xafiiska, kadib, markii laga hor yimid qorshaheeda Ka-bixitaanka Ururka EU-da.
Wargeyska waxa uu qoray inay Theresa May go’aankeeda Is-casilaadda ku dhawaaqi doonto, kadib, marka ay la kulanto Graham Brady oo ah Madaxa Guddiga 1922-ka ee Kooxda Xisbiga Muxaafidka ee ka tirsan Aqalka Odayaasha Britain.
Theresa May oo 63-jir ah, waxaa la filayaa inay berrito ku dhawaaqdo inay ka tegtay Xafiiskeeda Nambar 10, kadib, markii ay Wasiiradda Xukuumadeeda kacdoon ku sameeyeen Qorshaheeda Ka-bixitaanka UK ee Midowga Europe.
Dhinaca kale, Andrea leadsom oo ah Hoggaamiyaha Aqalka ee UK, waxay iska casishay Xilkaasi, sababo la xiriira Heshiis la’aanta Theresa May, iyadoo ay Mucaaradkana ku baaqeen Doorasho Guud ee Degdeg ah.
Qaar ka mid ah Xildhibanadda xitaa waxay ku booriyeen Theresa May inay iska casisho xilka Ra’isul-wasaarenimadda oo ay haysay tan iyo bishii July 13-dii ee sannadkii 2016-dii.