War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in Shil Gaari uu ka dhacay Warshadda Caanaha ee ku taalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Shilkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomey iyo Mooto Bajaaj,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad goobjoogayaal oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in shilkaas uu ku dhintay Darawalkii waday Mooto Bajaajta iyo haweeney saarneyd Mootada,waxaana dhaawac uu soo gaaray Caruur yar yar oo ay wadatay Haaweneyda.
Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray dad shacab ah,kuwaasi oo gumad deg deg ah u sameeyay dadkii halkaasi ku waxyeeloobay,waxaana Caruurta dhaawaca uu soo gaaray loola cararay mid kamid ah Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.