Qaraxaan jugtiisa ayaa Goordhow waxa laga maqlay degmooyinka gobolkan Banaadir,iyada oo intaasi kadib la arkay Uuro Cirka isku-shareertay.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaarxa uu ka dhacay Aargada looga leexdo degmada deeyniile ee Gobolkan Banaadir taas oo ku taalla agagaarka kulliyadda Jaale siyaad ee Magalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen inay arkayeen dhaawaca dad ay ka mid yihiin Carruur iskuuley ah iyo dad kale.
Weli lama shaacin nooca qaraxaas oo jugtiisa aad u xooganeyd.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.