War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Qarax uu ka dhacay degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana uu ku qarxay inta u dhexeeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Howlwadaag ee Magalada Muqdisho.
Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa sheegay in qaraxa, kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Faah faahin kala soco Radiodalsan.com