Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Federaalka soomaaliya kaas oo mareyay deegaan duleedka ka ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Buulaleey oo ah halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay u sheegeen Dalsan in Gaari nooca raaxada ah oo ay Soomaalidu u taqaano (Kaarib) oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda ay la qaraxday miino dhulka lagu aasay.
Qof ka mid ah dadka deegaanka Buulaleey ayaa sheegay in Gaariga qaraxa miino lala eegtay uu ka yimid degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose balse markii uu halkaasi marayey ay miinada haleeshay,isla markaana ay ku geeriyoodeen Darawalkii waday Gaariga oo ahaa Askari iyo haweeney la socotay halka laba kale ay ku dhaawacmeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo gurmad u fidiyey ciidamadii ku waxyeeloobay qaraxaas
Goordhow la socda faah faahinta Warka Radiodalsan.com