Wiil uu dhalay Wasiiru dowlihii Madaxtooyada oo ku dhintay dagaal ka dhacay Afgooye

Xalay ayaa fariisin Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku leyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab,waxaan halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday Saddex Askari oo uu ku jiray sida la xaqiijiyey Wiil uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur kaas oo lagu Magacaabi jiray Cumar Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur.

Cumar oo uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa ahaa Taliyihii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo fariisin ku leh Mukayga degmada Afgooye,isla markaana gurmad ahaan uga soo baxay.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose intaba weli kama hadlin weerarkaas ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Afgooye ee lagu dilay taliyihii Ciidamada dowladda ee Koontoroolka Mukayga,isla markaana uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor