Qaraxaaan oo ahaa miin wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxa uu ka dhacay ka soo horjeedka Warshadii hore Baastada ee Wadada Warshadaha,sida ay Dalsan u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Jugta qaraxa ayaa dad ka agdhow waxa ay sheegeen inay si aad ah u maqleen,waxaana weli la garaneyn cida lala eegtay qaraxaas.
Xilliyadan oo kale ayaa la sheegay in Wadadaas ay isticmaali jiraan Gawaarida Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxana hadda xiran Goobtii uu qaraxa ka dhacay oo ah ka soo horjeedka Warshadii hore ee Baastada. ee Wadada Warshadaha.
Faah faahinta Warkan kala socda Radiodalsan.com.