Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho,waxaana uu ahaa mid gaari lagu xiray,sida ay dalsan u sheegeen dad ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxa ayaa inta badan waxaa laga amqlay Xaafadaha ku dhow dhow Ex-koontorool Afgooye,waxana gaariga oo ahaa Isbaashiyo loogu xiray Askari ka tirsan Ciidamada dowladda eek u sugan Siinka-dheer balse gaariga uu la qaraxay markii uu marayey Ex-koontorool Afgooye.
Qof ka mid ah dadka ku nool Ex-koontorool Afgooye ayaa Dalsan u sheegeen in Askariga lagu Magacabo bootaan,uu qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac culus,isla markaana Gacan iyo lug ay ka goโeen.
Dad ka agdhaw goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku soo cararay,balse waxaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ay rasaas ku kala eryeen,isla markaana dhaawaca askariga loo qaaday mid ka mid ah Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Muqdisho.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com