Maalinta berito ah ayaa la filayaa in Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud lagu qabto doorashada kursi ka banana Golaha Shacabka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisu ay tahay Galmudug.
Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta waxa ay diiwaangeliyeen Ergada dooraneysa Kursiga Golaha Shacabka iyo qeybaha kale ee korjoogtada ka noqon doonta doorashada beri dhaceysa.
Kursiga Golaha Shacabka ayaa waxaa Bishii Agoosta ee la soo dhaafay noqday Xildhibaankii ugu horeeyey ee iska casila Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud
Maanta waxaa Magalada Dhuusamareeb gaaray Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud kaas oo oo isku-soo sharaxay Xubinimada xildhibaan ee uu iska casilay Walaalkiis Cabdulalahi Gaafoow Maxamuud.
Waxaa sidoo kale jira musharixiin kale oo kursigaas kula tartami doona Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud,wallow la sheegay inaysan doorashadaas aheyn mid aad u xiiso badan.
Kursiga uu iska casilay Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud ayaa ka mid ahaa kuraas doorashadooda lagu murmay,waxana la doortay tiro laba jeer ah taas oo ka kala dhacday Magaaloyinka Cadaado iyo Muqdisho.