Qaraxaan ayaa gordho waxa uu ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaana la sheegay in lala eegtay gaari ay la socdeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya.
Jugta qaraxaan ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaana uu ahaa qarax Miino oo ka dhacay halka loo yaqaano Haanta-dheer eek a tirsan degmada Deyniile,iyada oo wararku sheegayaan in ay ka badbaadeen ciidamadii lala beegsaday.
Dad goobjoogayaal ah ayaa dalsan u sheegay in qaraxa uu waxyeelo kasoo gaaray dad shacab ah oo goobta ku sugnaa,iyada oo la maqlayay dhowr daqiiqo kadib gaadiidka gurmadka deg dega ah.
Ilaa iyo haatan saraakiisha booliisku wax faahfaahin ah kama aysan bixin qaraxaan iyo khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay hase’ahaate inta badan ciidamada dowladda ayaa sidaan oo kale qaraxyo Miino lagula eegtaa degmooyinka gobolka Banaadir.