Jugta qarax ayaa Caawa waxaa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska KM 4 ee Magaalada Mqudisho.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah,isla markaana waxa uu ku qarxay wadada laamiga.
Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in gaariga qarxay uu haatan ku gubanayo goobta,waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiray goobta.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaarah uu geystay qaraxaas iyo cidda sida rasmiga ah u leh gaariga qarxay.