DEG DEG : Qarax Gaari oo Goor Dhow ka dhacay Muqdisho

Waxaa goor dhow qarax Gaari uu ka dhacay degmada Deyniile gaar ahaan meel ku dhow kuliyadda Jaale Siyaad oo ay daganyihiin ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Maamulka degmada Deyniile ayaa u xaqiijyey Radio Dalsan inuu qaraxaasi waxyar ka hor ka dhacay inta u dhaxeysa kuliyadda jaale siyaad iyo Xarunta wasaarada Gaashaandhiga, hasa’ahaate aan wali la ogaan khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la eegtay qaraxa kolonyo ciidan oo ka soo baxay wasaaradda gaadhiga, oo ay maanta ka dhacday xaflad ay xilalka kula wareegayeen Taliyaha ciidamada xooga iyo Abaan duulaha ciidamada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media