Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu qaraxu ka dhex dhacay Kaniisadda Cotic Church oo ku taalla magaalladda Tanta.
Telefishinka Dawladda Masar ayaa sheegay in ugu yaraan 42-qof lagu dhaawacay qaraxaasi.
Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaasi iyo waxa sababay qaraxaasi.
Ma aha markii ugu horreysay ee Qarax lala beegsado Kaniisad, waxaana bishii December ee sannadkii hore qarax lal beegsaday Kaniisadda ugu weyn magaalladda Qahira, waxaana ku geeriyootay ugu yaraan 25-qof, halka 49-kalena lagu dhaawacay.
©Radio Dalsan