Waxaa goordhow soo gaba gaboowday Maxkamadeyntii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame kaas oo maanta laga sugayay in ay xeer ilaalinta Qaranka keento cadeynta dembigii loo heystay Siyaasiga.
Maxkamada oo ay goobjoog ka ahaayeen Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur , mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah ehelada Siyaasiga ayaa ugu dambeyn Go’aan laga soo saaray.
Xeer ilaalinta Qaranka ayaa horay u dalbatay waqti dheeraad ah oo 24 saac ah balse maanta markale ay codsaday in waqti kale loogu daro balse taasi Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku gacan seyrtay.
Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir  Aweys Sheekh Maxamed ayaa intaasi kadib ku dhawaaqay Go’aanka Maxkamada.
“Xariga Siyaasiga wax ruqsad maxkamadeed ah looma marin qalad ayayna aheyd,xeer ilaalintana wax caddeymo ah makeenin sidaas daraateed Cabdiraxmaan Cabsi Shakuur Maxkamadu waa ay fasaxday mana jirto wax racfaan ah oo uu qaadan doono ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadirâ€