Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Khaatuma Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) ayaa si kulul uga hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Madaxweyne kuxigeenka oo Goordhow shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in Soomaliland ay kusoo gardarootay gobolka sool,isla markaana ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan.
Waa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalkaas lagu difaacayo gobolka Sool,isla markaana looga soo horjeedo Maamulka Soomaaliland.
Madaxweynihii Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa horay heshiis ula galay Maamulka Soomaaliland balse taasi uu diiday kuxigeenkiisa,oo maalma kahor ciidamo uu wato ay usoo goysteen dhanka Puntland.
Goordhow la socda Shika Jaraa’id ee Madaxweyne kuxigeenka Khaatuma.