Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay mid kamid ah kulamadii ugu adkaa oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa Koowaad, isla markaana waxaa Xarunta Golaha goobjoog ah 178 Xildhibaan.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay ka doodista Doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021, isla markaana Guddiga Doorashada ay Baarlamaanka doodaas hordhigeen.
Wasiirka amniga Isloow Ducaale, Wasiiru dowlaha gaadiid Cusmaan Daallo, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Aadan Isaaq, Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow iyo Xildhibaan Xuseen Iidoow ayaa fowdo ka kiciyeen Xarunta oo kulanka Golaha Shacabka ka furmay sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.