DEG DEG:-Kulan Xildhibaano uga socday Villa Hargeysa oo fowdo iyo buuq hareeyay

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka socday kulan warbixino ku saabsan mooshinkii Gudoomiyaha Golaha Shacabka  laga gudbiyay  looga dhegysanayay  Gudiga joogtada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Tiro xildhibaano ah iyo xubno ka socday guddiga joogtada Golaha Shacabka ayaa halkaasi ka jeediyay warbixino ku saabsan mooshinkii laga keenay gudoomiye Jawaari,iyaga oo qaarkood sheegay in uu jabay mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Intii warbixinada la dhageysanayay ayaa xili uu hadlayay Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi ayaa waxaa goobta soo galay Shaqsi doodaya,iyada intaasi wixii ka dambeeyey uu kulankii isku bedelay buuq iyo sawaxan mudo daqiiqado ahna ay hakad galeen hadaladii xildhibaanada.

Kulanka ayaa hatan weli ka socda Xarunta Villa Hargeysa,waxana la sugayaa waxa ay soo saaraan Xildhibaanada iyo guddiga joogtada Golaha Shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media