Caawa ayaa kulamo gooni gooni ah waxa ay ka socdaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho,maadaama weli uu taagan yahay khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in kulamada ay Goobjoog ka yihiin gudoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi si xal looga gaaro khilaafka oo saameyn ku yeeshay Golaha Shacabka.
Maalma maalma ka hor ayaa waxaa soo ifbaxay khilaaf hor leh oo u dhaxeeya gudoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka kuwaas oo isku heysta waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo kulanka baarlamaanka ee looga doodayo mooshinka Gudoomiye Jawaari  Jawaari