DEG DEG:-Dil ka dhacay Magaalada Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidanka dowlada iyo Qof shacab ahaa.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne,waxaana rag hubeysan ay toogteen Askariga ka tirsanaa Ciidanka dowlada Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaas iyo Ruux shacab ahaa.

Dad deegaanka ayaa waxaa la sheegay in goobta uu dilka ka dhacay ay tageen,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka qofka shacabka ahaa iyo Askariga la dilay.

Wariye ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Dalsan u sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ay howlgalo haatan ka wadaan Xaafadda Howlwadaag ee Magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu inoo sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilkii ka dhacay Baladweyne,kuwaasi oo baxsaday.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media