Kooxo hubeysan ayaa goordhow waxa ay qeybo ka mid ah tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho waxaa la sheegay in ay ku dileen Nin caanka ahaa deegaankaas.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in rag hubeysan oo watay gaari ay dileyn nin kale oo gaari watay kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyey shoobaaye,isla markaana mar uu ka mid ahaa ilaalada Jaamacadda Shabeelle.
Goobjoogaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in markii ay dhowr xabadood ku dhufteyn ninkaas ay goobta ka baxsaden,iyaga oo horay u sii qaatay gaarigii uu watay.
Weli macada sababta ninkaasi loo dilay iyo cidda ka dambeysa dilkiisa,waxana Goobta hadda baaritaano ka wada oo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Goordhow kala socda faah faahinta Warkaan Radiodalsan.com