DEG DEG:-Dagaal ka socda Degmada lambar Konton ee Shabeellaha Hoose

War goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in dagaal u dhaxeeyo Ciidamada dowaldda iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka socdo degmada lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa marka hore ku bilaawday tiro Madaafiic ah oo ay Al-Shabaab ku garaaceen Fariisinka Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ee degmada lambar Konton taas oo markii dambe keentay in uu dagaal toos ah dhexmaro labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay degmada lambar Konton ka weerareen laba jiho oo kala ah Galbeedka iyo dhinaca Koonfureed ee degmada lambar Konton.

Dagaalka ayaa weli halkasi ka socda welina lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas maadaama ay tahay xili habeen ah.

Wixii ku soo kordha dagaalkaas kala socda Radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media