Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal Xoogan.
Dagaalkan ka socda deegaanka Ceel-Cadde ayaa waxaa u dhexeeyaa Ciidamo kala taabacsan Cismaan Xaadoole iyo Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Furdug).
Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in labada Ciidan ay isdhaafsanayaan rasaas Culus, isla markaana uu jiro Khasaaro kala duwan, hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu la egyahay.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Cismaan Xaadoole oo ah Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Guddoomiye Qaasim furdug ay isku heystaan dhul ku yaalla halkaas.
La soco wixii kusoo kordha wararkan Insha Allaah.