War Goordhow Radio Dalsan kasoo gaaray Suuqaweyn ee Bakaaraha ayaa waxa uu sheegayaa in Goordhow Suuqaasi qeybo ka mid ah uu dabka kacay.
Dad ku baxay dabkaas kana mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in dabka uu markii hore ka kacay qeybta dharka Huudheyda,isla markaana uu ku fiday ilaa qeybta Maacuunta lagu iibiyo.
Qaar ka mid ah dadka Ganacsiga ku leh Bakaaraha iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray Suuqaas,iyaga oo sameynaya gurmad dabkaasi lagu deminayo.
Wararka qaar agaa waxa ay sheegayaan in dabka uu ka bilaawday koronto kadibna uu sidaasi ku faafay,waxaana Magalada Muqdisho inta badan laga arkayaa holaca iyo qiica dabka.
Waxaa socda dadaalo dabkaasi lagu doonayo in lagu demiyo.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com