War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dagaal xoogan kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasi oo ku sugnaayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa deegaanada ay kala wareegeen waxaa kamid ah deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose,halkasi oo ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa Goordhow shaacisay in Al-shabaab dagaal looga saaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha,isla markaana weli uu socdo howlgal xoogan.
La socoo wixii kusoo kordha Insha Allaaha.