Boqolaal dadweyne ah oo Haween u badan ayaa haatan waxa ay banaanbax ka dhigayaan qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama gaar haan inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka .
Banaanbaxyaasha ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ka careysan yihiin dilkii shalay Agagaarka tiyaatarka Qaranka loogu geestay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya.
Dadweynaha ayaa xiray qeyb ka mid ah Wadada Maka-Almukarama iyaga oo ku jaray dhagxaan hadana Gubaya taayaro iyo Jiingado taas oo sababtay in Wadadaas ay xiranto.
Goordhow la socda faah faahinta Warkaan