Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow ay Al-Shabaab Miinooyon ku xireen Buundada degmada Qoryooley,isla markaana ay qarxiyeen.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa Dalsan u sheegeen in gebi ahaanba buundada ay burburtay,sidoo kalena taasi ay sababtay in tuulooyin farabadan iyo degmada qoryooley ay kala go’aan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in shalay Al-Shabaab isku dayeen in ay buundadaas bur buriyaan balse Ciidamada dowladda ka hortageen,balse Caawa ay qarxiyeen buundada oo ay isticmaali jireyn Gawaarida ka timaada Kismaayo iyo deeganada kale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Buundada degmada Qoryooley ayaa looga gudbi jiray Kanaalka Caanka ah Biromo Suguntaar.
Goordhow la socda Wareysi ku saabsan qaraxa ka dahcay degmada Qoryooley.