Akhriso:-Wararkii u dambeeyey ee Weerar ka dhacay degmada Jilib

Warar aanu ka helnay hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ka dhacay maalintii Talaadada nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabab.

Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay VOA in sarkaalka la bartilmaameedsaday uu yahay Bashiir Maxamed Qoorgab oo ka mid ah madaxda dhinaca ciidanka ee Al-Shabab.

Sarkaalkaasi ayaa ilo wareedyadu aaminsan yihiin inuu ka badbaaday weerarkaasi, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu soo gaaray dhaawac. Waxaase hay’adaha amnigu sheegayaan inuu ku dhintay weerarka dareewalkii Bashiir Qoorgaab.

Hawlgalkan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo ay iskaashi leeyihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor