DEG DEG : 20 Ruux oo ku Geeriyootay Qarax ka dhacay G/Sh/Hoose

Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in gaari noociisu yahay mini bas ama caasi uu dul maray miino waxaana ku dhintey labaatan ruux  oo gaariga saarneyd deegaanka Golwey

Gaarigan oo ay saarnaayeen dad rayid ah oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxaa uu ka soo tegey deegaanka Buulomareer isagoo ku sii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabelaha Hoose.

Tirada dadkii saarnaa gaarigan ayaa ku dhintey halka uu ka badbaaday darawalkii waday gaariga waxaana Dadka ku dhintey ayaa waxaa ay ahaayeen ganacsato ka soo noqonayay magaalada Buulomareer.

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose oo Dalsan  u xaqiijiyay dhacdadan ayaa sheegay in miinada gaariga ku qaraxday loo malaynayo in ay tahay mid ururka Alshabaab ay u dhigeen ciidamada AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor