Ciidanka Amniga oo gacanta kusoo dhigay Rag Burcad ah oo dhac ka geystay xaafaddo

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan  kuwa Saldhiga degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa  habeenimadii xalay aheyd gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo dhac u geysanayay dadka shacab ah.

Saraakiisha ciidamada degaanka ayaa warbaahinta ayaa u sheegay in laba nin oo baxsad ahaa laga soo qabtay deegaanka Carbiska, isla markaana dhac u geysanayay dad shacab ah iyo goobo Ganacsi, iyaga oo watay qoryo AK-47.

Dhinaca kale ciidamada Booliska Saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay burcadaan hubaysan oo wadatay Mooto Bajaaj, isla markaana falal dhac ah ka geysanaysay xaafadaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Raggaas ayaa lagu soo qabtay howlgal laga fuliyay xaafadda Kooka-koola ee degmadaas Yaaqshiid, kuwaasi oo haatan ku jira gacanta laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaanala sheegay in raggaas ay ahaayeen kuwo dhibaato ku haayay shacabka.

Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona kusoo qabtay rag hubeysan oo burcad ahaa dhacna geysan jiray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor