Waxaa xaafad ku taalla Waqooyiga Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka saacadihii lasoo dhaafay lagu toogtay Darawal Soomaali ah oo waday gaari Bas oo uu ku qaadi jiray Arday dhigata Iskuul.
Darawalkan ayaa madaxa laga toogtay, isaga oo wada baska Iskuulka, isla markaana waxaa xiligaas gaariga saarnaa saddex Carruur ah oo Arday ah, sida ay sheegeen Muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugan Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Toogashadda loo geystay darawalka baska iskuulka waday ayaa ka dhacday meeha ay iska jaraan labadda jid ee 37th Avenue iyo North Fremont Avenue ee waqooyiga Magaalada Minneapolis.
Darawalka ayaa isaga oo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka North Memorial. Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa sheegay in qofka la toogtay uu dhaawac soo gaaray, isla markaana dhaawaciisa uusan ahayn mid halis ah, lana dabiibayo.
Weli lama sheegin magaca, da’da darawalka Soomaaliga ah ee la toogtay.