Ciidamo fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno aasayay Miino

Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo ay sameeyeen Ciidanka Darawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa degmada Qansax-dhere ee Gobolka Baay.

Guddoomiye ku-xigeenka amiga iyo siyaasadda degmada Qansax-dheere Mukhtaar Cabdi oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Dowladda ayaa u sheegay in inta uu socday howlgalka Ciidamada lagu dilay laba xubin oo kamid ah Al-shabaab oo aasayay miino nooca dhulka.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka in miinada la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka kunool Qansax-dheere iyo deegaanada kale Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee laga hortegay, lagana furtay hubkii ay wateen xubnaha la dilay.

Sidoo kale Mukhtaar Cabdi ayaa tilmaamay in goobta howlgalka qorsheeysay laga fuliyay ay aheyd mid Al-shabaab ay ku diyaarin jireen Qaraxyada, isla markaana Ciidanka Maamulka iyo kuwa dowladda ay sii wadi doonaan howlgalada, waa sida uu yiri.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed qaraxyo miinooyin ah kula eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamada dowladda, kuwa maamulka iyo AMISOM, waxaana weerarada qaarkood ay geysteen khasaaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor