Madaxweynaha Azerbajaan, Ilhaam Caliyeef waxa uu maanta Waraaqihii Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay 10 Danjirayaal cusub oo dalalkooda Wakiil uga noqon doono dalka Azerbaijan.
10 Safiir ee Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo laga guddoomay ayaa waxay dhamaantooda yihiin Danjjrayaal aan Xarun Safaarad deganaan ah ku lahayn gudaha dalka Azerbaijan
Dhinaca kale, 10-ka Danjire ee uu Madaxweynaha dalka Azerbajan, Ilhaam Caliyeef ka guddoomay Waraaqahooda Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay ayaa waxay ka kala socdeen dalalka Somalia, Albaniya, Ireland, Norway, Denmark, Estonia, Guwatamela, Montenegro, New Zealand iyo Slovenia.