Ururka Daalibaan ayaa waxay Cafis u fidiyeen dhamaan Shaqalaha Dowladda Afganistan, waxayna ku booriyeen inay dhamaantooda oo ay Haweenka ku jiraan ku soo laabtaan Shaqada, 2 maalin kadib, markii ay Kooxda Daalibaan la wareegeen Awoodda dalka Afganistan.
Enamulalhi Samangani oo xubin ka ah Guddig Dhaqanka ee Daalibaan ayaa Cafiskaasi kaga dhawaaqay Telefishinka Dowladda Afganistan ee ay gacanta ku hayaan.
Waxa uu tilmaamay inaysan Daalibaan doonaynin inay Haweenku noqdaan Dhibanayaal.
Mar uu ka hadlayey Qaab Dhismeedka Dowladda cusub waxa uu sheegay inuusan si buuxda u caddayn, balse asaas looga dhigi doono Khibradda iyo Hoggaamin buuxda oo Islaami ah.