Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay saakayto gudaha u galeen caasimadda Afganistan ee Kabul oo ay Waaberigii hore ee maanta go’doomiyeen.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay Daalibaan qabsadeen Dhismaha Jaamacadda Kabul University ooku taalla Galbeedka Kabul.
Calanka Kooxda Daalibaan ayaa laga taagay mid ka mid ah Degmooyinka ka tirsan Caasimadda Kabul oo aan ka fogeyn Jaamacadda Kabul University.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afganistan waxay xaqiijisay inay Daalibaan soo galeen qeybo ka mid ah Kabul