Dhageyso:-Duqa Muqdisho oo sheegay inay awood u adeegsan doonaan…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho ayaa markale ku celiyay in dadka xilligaan heysta Goobaha Danta guud inay si deg deg ah ku baneeyaan.

Waxa uu sheegay Eng Yarisow inay muhiim tahay baneynta Goobaha Danta Guud,balse dadka weli degan ama heysta uu ka dalbaday inay baneeyaan.

Markale ayuu ku celiyay in Maamulka gobolka Banaadir uu si awooda ah uga qaadi doono dadka degan Goobaha Bulshada loogau adeegayo ee danta Guud.

Dhowr mar ayaa Duqa Muqdisho uu sheegay inay waajib tahay baneynta Goobaha Danta Guud cidii ka dhega adeegtana awood looga qaadi doono balse taasi aysan dhicin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Duqa Magalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor