Dagaalamayaasha Daalibaan oo dib loo caabiyey iyo Shil gaaari oo dhacay 

Ciiddanka Difaaca iyo Ammaanka ee Qaranka dalkaasi ee ANDSF waxay sheegeen inay Dagaalamayaasha shalay Daalibaan dib ugala wareegeen Caasimad-gobaleedyada Heart, Helmand, Takhar iyo Khandahaar.

Dagaaladii shalay dhacay ayaana ka mid ah maalmaha ugu dhiig daadashada badnaa dalkaasi labadii bilood ee la soo dhaafay.

Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ayaa la sheegay inay Ciiddanka Dowladda Afganistan ka taageereen Dagaalkii ka dhacay Gobalka Heart oo xuduud la leh dalka Iran.

Dhinaca kale, Ugu yaraan 20 qof ayaa geeriyootay, 18 kalena wey dhaawacmeen, labo shil oo 24-kii saacadood ee l soo dhaafay ka dhacay Afganistan.

Warbaahinta TOLO News ee dalkaasi waxay maanta sheegtay  inay dadkaasi waxyeello ka soo gaareen laba shil oo ka wada dhacay Degmadda Qarqahayi ee Gobalka Laghaman.

Mid ka mid ah Shilalkaasi waxa uu ka dhacay meel ku dhow Tuulladda Narinj Bagha, iyadoo ay isku dhaceen Bas Rakaab waday iyo gaari kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor