Dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga dalka qeyta 21-aad, kuwa Daraawiishta Maamulka Galmudug oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa ka socdaa degaan ka tirsan Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.
Dagaalkan ayaa sigaar ah socda tuulooyin ku dhow degaanka Camaara ee Koonfurta Mudug, isla markaana waxaa uu yimid, kadib markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa kusoo warramaya in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, wallow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, iyadoona la maqlayo dhawaqa rasaasta.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanka Camaara ee Koonfurta Mudug oo ay doonayaan inay qabsadaan, isla markaana dagaal ay kula jiraan Al-shabaab.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ka dhacayay dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, waxaana xusid inay halkaas ka dhaceen qaraxyo Is-miidaamin ah oo khasaaro kala duwan geystay.