Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo dadka degaanka oo dhacay iyo Xiisad wali taagan

Wararka aan ka helayno Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo u dhexaysa dadka degaanka iyo Al-shabaab ay ka taagan tahay Deegaanka Shabeelow oo Hoostaga Degmada Bacaadwayne ee Gobolkaasi Mudug.

Goobjoogyaal ayaa inoo sheegay in degaanka laga dareemayo dhaq-dhaqaaq ay wadaan labada dhinac, waxaana degaankaas iyo degaanno hoostaga horay uga dhacay dagaallo khaasare badan dhaliyay oo dhexmaray dadka degaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo gacanta ku haya qaybo ka mid ah Gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka mudug ayaa sheegay in uu dhacay dagaal kooban oo dhexmaray Shabaab iyo dadka degaanka Shabeeloow, Guddoomiyaha Bacadweyne axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in wali ay xiisad dagal taagan tahay, waxaana intaas uu ku daray in Al-shabaab ay ka bexeen degaanka.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka kooban ee dhex maray Al-shabaab iyo dadka degaanka Sahabeeloow.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media