Dagaal u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa uu ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka aan heleyno.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Adhi-Caddeeye ee Sool, waxaana la sheegayaa inuu salka ku haayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo horey u dhacay, iyadoo labada dhinac ay hub kala isku adeegsadeen.
Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkii dhacay, halka tirro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Isbitaalo ku yaalla Magaalo ka tirsan Gobolka Sool.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa ku baxay dagaalkii Maleeshiyaadka ku dhexmaray deegaanka Adhi-Caddeeye, iyagoo doonaya inay labada dhinac kala dhex-galaan, si loo joojiyo dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan saakay ka heleyno deegaanka Adhi-Caddeeye ayaa sheegaya in xaaladda ay degan tahay, in kastoo ay weli is hor-fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay dareemayaan cabsi.