Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan Galgaduud

Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa saakay waxaa uu ka dhacay tuulo hoostegta deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dagaalkaan oo salka ku haayo Arrimo la xiriira aano qabiil ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay tuulada Haraale ee Galgaduud, waxaana inta uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Haraale ayaa waxaa ay ku warrameen in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkii halkaas ka dhacay oo labada dhinac soo kala gaaray, ayna ku jiraan dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka 7 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla deegaanka Balanballe Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in maleeshiyaadka dagaalamay ay kasoo jeedan Magaalada Guriceel iyo Balanbale ee Gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkooda uu salka ku hayaa Arrimo la xiriira aano beeleed.

Si kastaba deegano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay dagaalo  geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo dilal qorsheysan oo salka ku haayay aano qabiil, waxaana xusid mudan in Colaadaha qaarkood heshiis laga gaaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor