Dagaalo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan ayaa waxaa uu gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Baxdo gaab oo ka tirsan Gobolka Galgduud ee Maamulka Galmudug.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka dhexmaray maleeshiyo beeleedka uu salka ku haayo Arrimo la xiriira aano qabiil oo horey uga dhacday Galgaduud, waxaana dagaalkaas inta uu socday la isku adeegsaday hub kala duwan.
Dadka qaarkood ayaa soo weriyay inuu jiro khasaaro ka dhashay Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka Baxdo gaab, wallow aysan xaqiijin karin inta uu la egyahay, balse ay sheegi karaa oo kaliya inuu jiro khasaaro.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in saakay ay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu joojiyo xiisada u dhexeeysa maleeshiyaadka hubeysan, si dhibaatada u sii badan, lagana hortego inuu dhaco dagaal kale.
Deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilalka la xiriira aano qabiil, iyadoona deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulkaas ay ka dhaceen dagaalo geystay khasaaro farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona ay xusid mudan tahay in colaadaha qaar heshiis laga gaaray…