Talyaaniga oo shaaciyay lacagta uu ku bixnayo ka hortagga fatahaadda Baladweyne

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiir ku xigeenka Dowadda Talyaaniga ee Soomaaliya ambassador Tabio Massimo waxaana ay ka wada hadleen wax ka qabashada Arrimaha Fatahaada Beledweyne, waxaana Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruuci in dhowaanba la sugayay ee ka hortaga Fatahaada Mashruucaasi oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar (6,000,000$).

Safiirka ayaa u sheegay Madaxweynaha In lacagtaas Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay ay doonayaan Dadka reer Beledweyne in ay ku caawiyaan si wax looga qabto Arrimaha Fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday, waxaana madaxweyne Waare uu kaga Mahadceliyay Caawimaadda Talyaaniga, waxaana aqbaarta la xiriirta Ogolaanshiyaha Talyaaniga ee lixda Milyan ee ka hortaga Daadadka Beledweyne ay ka dhigantahay Guul muujineysa dadaalka socda ee la xiriira arrimahaas Fatahaada.

Lacagtani lixda Milyan ee wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha ayaa waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha Qaramada midoobay ee FAO.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media