Wararka la helayo qeybo kamid ah Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka.
Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa inta u dhexeeya Xarunta Fiisha Taraafiko iyo Madbacadda Qaranka ee Degmada Shangaani, kaasi oo u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo halkaas ku sugan.
Inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga maqlayaa hub Culus oo labada dhinac ay isku adeegsadayaan, waxaana la sheegayaa in la isku hor-fadhiyo Xarunta Fiisha Taraafiko.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla agagaarka Fiisha Taraafiko, isla markaana waxaa saakay tegay Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasi oo dadkii degnaa ku amray inay si deg deg ah uga baxaan, hayeeshee ay amarkaas iska diideen dadkii dhulka deganaa.
Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana aad u adeg in xog laga helo halkaas, maadaama Ciidamo ay isku hor fadhiyaan, xaaladana ay tahay mid kacsan.