Dagaal dib uga qarxay magaalladda Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaarayo magaallo-madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo waxay sheegayaan inuu dib u qarxay Dagaalkii u dhexeeyey Galmudug iyo Puntland.

Weriyeheenna, Mahad Ameeriko  ayaa soo sheegay in ay labada dhinac ku dagaalamayaan gudaha Gaalkacyo, isla markaana la maqlayo Dayaanka Qoryaha Fudud iyo Hoobiyayaal.

Qaar ka mid ah dadweynihii ku noolaa Xaafadaha Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ayaa bilaabay inay ka firxadaan dagaalkaasi, mana jiraa Dadaalo Nabadeed oo lagu doonayo in lagu xaliyo dagaalka ka soo cusboonaaday Gaalkacyo.

Garoonka Diyaaradaha ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa la sheegay inay Madaafiic ku dhaceen.

Iska horimaadkan ayaa yimid dhowr maalmood kadib, markii ay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland kala saxiixdeen Heshiis Xabbad-joojin ah oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta gar-wadeen ka ahayd.

Ma kala cadda sababaha keenay inuu saakayto dagaalka dib uga qarxo gudaha Gaalkacyo, waxayna labada Ciiddan horey ugu dagaalami jireen Galbeedka Gaalkacyo.

gaalkacyo1

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor