Qaxooti Somali u badnaa Carruur oo lagu qabtay Kenya.

6 Haween iyo 16 carruur oo Somali ah ayey Boliska Kenya ku qabteen Xuduuka Lokiriama ee ay Kenya la wadaagto Uganda.

Taliyaha Saldhigga Boliska Lorugum, Charles Rono ayaa sheegay in la xiray Qaxootigaasi iyo 2 Dareewal oo u dhalatay dalka Uganda, kuwaasi oo waday gaadiidkii ay dadkaasi ku safrayeen.

Waxa uu intaasi ku daray inay dadkaasi doonayeen inay si sharci la’aan ah ku soo galaan Kenya, wuxuuna xusay inay Qaxootiga u gudbin doonaan Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab ama Kakuma.

Dhinaca kale, Qaxootiga Soomaalida ee ku jirta Xeradda Dhadhaab iyo Kakuma ayaan loo oggolayn inay Dukumenti la’aan safraan, inkastoo Haweenka Soomaalida ee lagu qabtay Xuduudka Kenya la wadaagaan Uganda wateen Baasaboor.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor