Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo Bandhigtay Natiijada kasoo baxday dad Cusub oo looga shakisnaa inay ka qabaan Cudurka halista ah ee Coronavirus, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay 48-dii saac ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga baaray 30 qof, isla markaana laga helay 8 qof taas oo ay ka muuqata inay wax yar ka badantahay maalmihii la soo dhaafay xaaladihii Covid 19.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu xusay in 8-da qof ee xanuunka laga helay 4 kamid ah ay rag, halka 4 kalena ay dumar yihiin waxayna da’doodu u dhaxaysaa 27jir ilaa iyo 70 jir.
Dadka xanuunka laga helay ayaa 3 kamid ah waxay joogaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, 3 qof oo kalena waxay joogaan Magaalada Galkacyo halka 2 qof ay joogto Boosaaso.
Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada dowlad Goboleedka Puntland ayaa hada gaartay 204 qof, waxaa u dhintay 6 qof halka bogsashasa la diiwan geliyey ay tahay 39 qof.