Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal dad beeraley ahaa saacadihii lasoo dhaafay loogu geystay deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ugu yaraan saddex ruux oo beeraley ahaa ayaa lagu dilay inta u dhexeeysa deegaanka burdhiile iyo kabxaley ee duleedka Baladweyne, waxaana la sheegay in dilalkaas ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah.
Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ragii Maleeshiyaadka ahaa goobta ka baxsadeen, waxaana halkaas laga soo qaaday Meydadka saddexdii ruux ee la dilay.
Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne Muuse Saalad Weheliye iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa ku baxay dilalka ka dhacay degaanada burdhiile iyo kabxaley.
Sido kale Ciidanka amniga Hirshabeelle ayaa ku raadjooga ragii falkaas ka dambeyay oo an wali la aqoonsanin, waxaana la tilmaamay in dilalkaas ay salka ku hayaan aanooyin qabiil.
Inta badan deeganao duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee ZXarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kuwaasi oo isku bedela dagaalo ku dhexmara Maleeshiyo beeleedyo.